Maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Bu'aale oo mamnuucday daawashada Cayaaraha Adduunka.
Maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Bu'aale ee gobolka J/dhexe ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo daawashada ciyaaraha kubadda cagta ee aduunka.
Warsaxaafadeed uu soo saaray madaxa dacwada maamulka degmada Bu'aale ee Al-Shabaab sheekh Jacfar ayaa wuxuu sheegay in talaabo laga qaadi doono cid walba oo ku xad gudubta amarkan lagu mamnuucay daawashada ciyaaraha kubadda cagta ee ka socda wadanka S/Afrika.
Daawashada ciyaaraha kubadda cagta ee aduunka ee ka socda wadanka S/Afrika
ayaa waxaa horey looga mamnuucay deegaano badan oo ay maamusho xarakada Al-shabaab.
W/Q Cabdinasir Santuur
Bu'aale-Somaaliya