Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

15-06-2010;

Haweeney Mareykan ah oo bixinta $7.45 ka doorbiday 60 maalmood oo xabsi ah. YAAB!!!

Haweeney, ayaa go’aan ku gaartay inay doorbiddo inay xabsi gasho intii ay bixin lahayd lacag biil ahayd oo ay ku lahayd maqaayadda Waffle House restaurant oo ku taala magaalada Fort Peirce, Gobolka Florida ee Dalka Mareykanka.

Guud ahaan lacagta ay haweeneydaasi ka door bidday xabsiga ayaa waxay ahayd $7.45.

Sida ay ku warrameyso warbixin booliska uu soo saaray Maryanne O’Neill, oo 66 jir ah ayaa waxa ay dalbatay Coffee iyo Rooti ismaris ah, hase yeeshee markii ay cuntay ayay diiday inay bixiso lacagtii oo ahayd $7.45.

Warbixinta ayaa sheegeysa in sarkaal uu weydiiyay haweeneydaas inay lacagta iska bixiso ama ay u raacdo xabsiga ayna dooratay xabsiga.

Haweeneydaasi oo goor dambe xabsiga laga sii daayay, ayaa waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana hadii dambigaasi lagu cadeeyo ay wajihi doontaa 60 maalmood oo xabsi ah iyo $500 oo ganaax ah.

X-Xogta

W/D Nuur Mataan

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved