Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

13-06-2010;

Dhallinyarada Gobolada Jubbooyinka oo cambaareeyay ururka Al-Shabaab

Qaar ka mid ah dhallinyarada gobolada Jubbooyinka oo qariyay magacyadooda sababo nabadgelyo awgood ayaa iyagoo u waramayay warbaahinta gudaha waxay walaac ka muujiyeen awaamiirta maamulka xarakada Al-Shabaabka Jubbooyinka ku soo rogay ee ku saabsan daawashada ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka K/Afrika.

Waxay sheegeen dhallinyarada in xaafadaha degmooyinka gobolka la soo dhoobay ciidamo fara badan, kuwaasi oo iyagu baaritaanno ku haya guryaha lagu daawanayo telefishinada, waxaana arrintaasi cambaareeyay dhammaanba dhallinyarada degan Jubbooyinka.

Maamulka hoos taga xarakada Al-Shabaab ee ka taliya gobolada Jubbooyinka ay maalinimadii doraad ahayd soo saaray amar uu ku mamnuucayo daawashada ciyaaraha adduunka, isla markaasina wuxuu ugu baaqay dhallinyarada daneysa daawashada ciyaaraha adduunka inay ka qeyb galaan dagaalka ay kula jiraan dowladda KMG ah iyo ciidamada shisheeye ee Muqdisho jooga.

"Isboortigu ma aha dembi Islaamkana Isboortiga way ciyaaraan, anigu ma garanayo Al-Shabaab diinta ay heystaan, balse uma eka waxa ay sheegtaan" ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada oo u hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeysay oo xarakada Al-Shabaab is hor taagto arrimaha Isbortiga Jubbooyinka, waxaana tallaabo la mid ah midaan oo kale horay uga soo baxay oo ay ku joojiyeen gebi ahaanba tartamada Isboorti ee gobolka, waxayna dadka degaanka walaac ka muujiyeen amarada faraha badan ee lagu cadaadinayo noloshooda.

X-Smc

W/D Cabdi Waheliye

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved