Xarakada Alshabab oo Inqilaab ku qabsatay Magaalada Beledweyne
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Shabaabka ay si buuxda ula wareegeen Magaaladaasi, kadib markii uu burburay maamulkii Xisbul Islam oo ka talinayey halkaasi.
Alshabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay hal-siib iyo hagar-daamo ku haayeen kooxda kale ee Xisbul Islam ee ay ka mideysnaayeen in dagaalladu ay iska socdaan, balse uga dhowaa in la higsado maamul Soomaaliyi leedahay.
Gobollada Jubooyinka ayaa ururka Alshabaab waxay gebi ahaamba ka tirtireen Xoogaggii Xisbul Islam ee ku sugnaa, waxayna ururkooda ku qasbeen iney ku soo biiraan Xisbul Islamkii ku sugnaa degaano ka tirsan Bay iyo sh/Hoose, iyadoo maalmo kahorna Xisbul Islamkii ku sugnaa Hiiraan ay badankoodu ku biireen Shabaabka.
Beledweyne ayaa ah magaalo Istiraatiiji ah oo dhacda Xadka soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo dhanka kalena Xad la leh gobolka G/gaduud oo ay ka taliyaan Culima,udiinka Ahlusuna Waljamaaca, waxaana Suurto-gal ah in Baledweyne ay noqoto furin dagaallo ba,an oo lagu hoobto ay ka dhacaan.
W/D Cabdi Waheliye