Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

12-06-2010;

Philip Onyancha oo Nin Kenyan ah ayaa sheegay in uu dilay 17 qof, dhiigana ka jaqay

Ninkan oo lagu magacaabo Philip Onyancha, da’diisana lagu sheegay 32 jir ayaa ay booliska kenya xireen, kaddib markii uu afkiisa ka sheegtay in uu dilay 17 qof dhiigana ka jaqay si cimrigiisu ugu dheerado.Dadka uu dilay waxaa u badan haween.

Waxa uuna sheegay in uu arrintaasi baray macalin wax ugu dhigi jiray Iskuul uu wax ka baran jiray oo ku yalay bartamaha dalka Kenya, kaas oo u sheegay hadddii uu dilo 100 qof, isla markaana uu dhiiga ka cabo uu cimrigiisu ku dheeraandoona saas.

Waxa uu sidoo kale Mr Onyancha qirtay in uu afduubtay dhowr caruur ah oo uu iyana dilay, islmarkaana dhiiga ka jaqay.

Arrintani ayaa ah mid ku cusub dalkani Kenya oo aan hore looga baran qof sheegta in uu aaminsan yahay dilka dad si uu cimri dheere u helo, balse ay hore uga jiri jirtay dalal kale oo uu ka mid yahay dalka Hindiya oo xataa filim muujinaya lagu jilay dadka waxaasi aaminsan.

W/D Cabdi Waheliye

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved