Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa 71 qof oo shacabka Soomaalida Ethiopia ah ku xasuuqday howl gal Milatari
Ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa 71 qof oo shacabka Soomaalida Ethiopia ah ku xasuuqday howl gal Milatari oo bishii tagtay ay ka fulisay Gobolka Ogadeniya, waxaa sidaasi sheegay dadka deeganka ah iyo Jabhada ONLF.
ONLF ayaa sheegtay in ay Milateriga Itoobiya galeen deegaano nabad ah oo aysan ka dhicin wax dagaal ah, markasna ay dadkii deegaankaas kula dagaalameen deegaankoodii, iyagoo dab qabadsiiyey qaar kamid ah deegaanadaasi, halka ay xireen oo ay la tageen ciidamada dadkii deegaanada.
Dagaalada ka socda gobalkaas ayaa todobaadkii ugu dambeeyey gaaray meel halis ah, markii ay ONLF qaaday weeraro adag oo ay ku qaaday Saldhigyada Milateriga Itoobiya, oo ay ku garsiiyeen khasaare adag, sida ay sheegatay ONLF.
Jabhada ONLF ayaa madax banaani u dagaalameysay tan iyo sanddii 1984-ki.
Dagaalka ka jira gobolka ayaa sii xoogeystay tan iyo markii shirkado caalami ah ay bilaabeen inay shidaal iyo saliid ka baaraan gobolka Ogadeniya.
Dhinaca kale Itoobiya ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyey, waxa ayna sheegtay in aysan waxba ka jirin, iyadoo diiday jiritaanka in ay gubeen deegaano ay joogeen dad rayid ah, waxa ayna sheegtay in ay wada hadal kula jiraan dhinacyada dagaalamaya.
W/D Cabdi Waheliye