Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

10-06-2010;

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo ergay cusub u magacaabay Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa shalay kaga dhawaaqay dalka Burundi ergayga cusub ee u fadhin doona Qaramada Midoobay dalka Soomaalia kaasoo loo magacaabay Augustine Mahiga oo ah nin u dhashay dalka Tanzania.

Augustine Mahiga, ayaa in mudda ah ahaa safiirka dalka Tanzania u qaabilsan Qaramada Midoobay tan iyo sanadi 2003, hada wuxuu madax uga noqonayaa Xoghayaha Guud ee UN-ka arrimaha ka taagan dalka Somalia, waxana xafiiskiisa uu noqonayaa Magaalada Nairobi.

Qaramada Midoobay ayaa dalalka Africa ku cadaadineyso sidii ay u kordhin lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee hada ka jooga Soomaaliya, waxaa ay hada UN-ka bixiyaan lacagaha ku baxa ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Mahiga ayaa bedeli doona ergaygi hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Ahmedou Ould-Abdallah oo ah nin kasoo jeeda dalka Mauritania, Mr Cabdalla wuxuu xilkaasi qabtay sanadi 2007.

Dadka lafa gura siyaasada ayaa waxa ay Axmed Walad Cabdalla ku tiriyaan ninkii ugu wanaagsanaa ee soo mara Soomaaliya marka loo eego wakiiladii ka horeeyey ee ka socday Qaramada Midoobay ee loo soo magacaabay Somalia.

W/D Cabdi Waheliye

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved