Ganacstada magaalada Dhoobley ayaa walaac ka muujiyey falal ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku burburinayaan goobaha ganacsiga
Ganacsatada yar yar ee wax ku iibiya hareeraha wadooyinka magaalada Dhoobleey, ayaa walaac ka muujiyey falal ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku burburinayaan goobaha ganacsiga ee magaaladaasi.
Horjoogayaasha Al-shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqay amar ay ku sheegeen in ay ku burburiyaan goobaha ganacsiga ee hareeraha wadooyinka ku yaala, iyadoo aysan jirin goob kale oo ay ku ganacsaan karaan oo la siiyey ganacsatadaan.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey burburiyey in ka badan 115 goob ganacsi, kuwaasoo la sheegay in ay ku yaalaan hareeraha wadooyinka.
Falka lagu burburiayey gobaha ganacsi ee magaalada Dhoobleey, ayaa sidoo kale ka careysiisay odayaasha magaalada, kuwaasoo ugu baaqay horjoogayaasha Al-shabaab in ay ka fiirsadaan burburinta goobaha ganacsi.
W/D Cabdi Waheliye