Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

06-06-2010;

Bu'aale iyo Saakoow oo maamullo cusub loo sameeyay.

waxaa maanta isku shaandhayn lagu sameeyay maamullaadii degmooyinka Bu'aale iyo Saakoow oo labaduba hoos yimaada maamulka xarakada Al-shabaab ee Jubooyinka gaar ahaan Jubada dhexe.Gudoomiyaha guud ee gobolada jubboyinka Abuukar Aadan Cali ayaa maanta gelinkii hore ku dhawaaqay isbedelka lagu sameeyay maamulka Degmada Bu'aale iyo Saakoow.

Xubnaha masuuliyiinta ah ee maanta loo magacaabay degmada Bu'aale ayaa waxay kala yihiin sidan:

1.Gudoomiyaha Degmada Bu'aale :Maxammed Dhaqane Odawaa.

2.Taliyaha Xisbada: Cali Barre Yuusuf.

3.Madax Maaliyadda : Khadar Cusmaan Raas.

4.Madaxa Dacwada : Maxamed Kheyre Sadiiq.

5.Madaxa Garsoorka : Sh.Cabdul Qaadir Sh.Xuseen.

Dhanka Degmada Saakoow oo iyadana galabta isku shaandhayn lagu sameeyay maamulkeeda ayaa xubnaha maamulka cusub waxay yahiin sidan:

1. Gudoomiyaha Degmada Saakow Ridwaan Sheekh Cumar Sheekh Max’ed

2. kuxigeenka gudoomiyaha ayaa loo magacaabay Sheekh C/laahi Max’ed

3. Garsooraha Degmada Saakow Sheekh Max’ed Nuur Ismaaciil

4. Madaxa Maktabka Dacwada Sheekh Cali Max’ed Cali

5. Madaxa Maaliyadda C/rashiid Max’ed Xirsi

6. Xafiiska Zakawaadka ayaa loo magacaabay Sheekh Daahir Macalim Max’ed

Ma ahan markii ugu horeysay ee wareegto kazoo baxdo xafiiska gudoomiyaha gobollada jubooyinka sheikh Abuukar Cali Aadan oo xilal cusub loo magacaabayo qaar kamid ah Maamulada xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved