Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

14-06-2010;

Madaxwayne Moi Kibaki ayaa maanta qabtay Kulan Deg deg ah

Madaxwaynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa Maanta isugu yeeray Kulan Deg deg ah Saraakiisha Amniga Kenya, kaasoo ku aaddan sidii looga arrinsan lahaa Qaraxyadii lala beegsaday Beerta Xoriyadda Uhuru Kenyatta.

"Madaxwaynuhu waxa uu aroornimadii hore ee Saaka iclaamiyay Shir Deg Deg ah oo arrimaha Amniga looga hadlayay, si looga gudbo xaaladdan Adag,” sidaana waxaa yiri Madaxwayne Ku Xigeenka Kenya, Kalonzo Musyoka.

"waxaan rabnaa inaan helno waxa ay salka ku hayso arrintani, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka Kenya oo dhan Daganaan, iyadoo Booliskuna ay baarayaan mashaqadani,” ayuu raaciyay Hadalkiisa Musyoko.

Waxaa shalay gabal dhicii ruxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya Labo qarax oo ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Uhuru Kenyatta waxayna geysteen dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca dad gaaraya 75 ruux.

Kulankan deg dega ah ayaa la filayaa inay ka qayb galaan Madaxwaynaha Kenya, Ku Xigeenkiisa, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, kan difaaca, iyo Taliyayaasha Ciidamadda.

Dhinaca kale Dadka Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay cabsi dhinaca ammaanka ah ka dib markii qarax uu ka dhacay halkaasi.

W/D Cabdi Waheliye

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved