Xukumada CCC Sharmaarke ayaa qarka u saaran in ee bur burto
xukumada Ra'isulwasaare Cumar C/rashiid ayaa qarka u saaran in ay gabi ahaanba bur burto kadib marki ay bilaabeen xubno ka mid ah golaha Wasiirada in ay is casilaan, halka qaar kalana la filayo inay is casilaan maalmaha soo socdo.
Wasiiradii shalay is casilay ayaa sabab uga dhigay is casilaadooda wax qabad la`aan xagga xukuumadda ah.
Si kastaba ha haatee wasiirada is casilay mudo gaaban gudohood ayaa waxa ay iminka caga-cageynayaan shan wasiir.
Liiska wasiirada is casilay:
1-Shariif Xasan Sh. Aadan, Wasiirkii Maaliyadda
2-Maxamed Cabdillaahi Oomaar, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare
3-Xassan Macallin, wasiiru dowlaha madaxtooyadaXasan
4-Yuusuf Indhacade, Wasiiru dowlaha G/dhigga
5-C/raxmaan C/shakuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa u muuqda nin ku fashilmay Siyaasada Soomaaliya iyadoo wadamada Caalamkana ay niyad jab xoogan ka muujinayaan sii shaqeyntiisa
Xukumad kasto oo somaaliya loo soo dhiso waxaa ka maqan wax la yiraado wadajir (Wadajir wax dhaama la waa) xukumadahii soo maray waxay ku bur bureen kooxeeysi.Laga soo bilaabo shariif ilaa kan u hooseeyo waxaa maankiisa ka guuxaayo Lacag, lacag, lacag, dhaqso taajir, Xukun iyo magac ku yeelo shacabka
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalka Xukuumada ina Cabdirashiid, waxaana caqabadaha ku furan ay yihiin kuwo keeni kara in ay bur burto.
Ninkii wax garad ah waxuu garan karaa meesha soomaaliya la xukuma iyo madaxweynaha rasmiga ah ee somaaliya hoose ka fiiri..