Qaraxyo ka dhacay Beerta Xoriyadda Uhuru Kenyatta ee Magaalada Nairobi
Waxaa maanta gabal dhicii ruxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya Labo qarax oo ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda Uhuru Kenyatta waxayna geysteen dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca dad gaaraya 75 ruux.
“Tani waxy ahayd dhacdo nasiib darro ah, waxaa jira dad badan oo qaraxa ku dhaawacmay. Seddex ruuxna naftooda ayay waayeen”sidaasi waxaa yiri Ra’iisal wasaaraha Kenya Raila Odinga .
“ilaa iyo hadda war uma heyno wixii sababay dhacdada, sidaas darteed ma dooneyno in aan ku lug yeelanno mala-awaalka la hayo”ayuu hadalkiisa ku sii daray Raila Odinga.
Taleefashinnada Kenya iyo waakaladda Wararka Reuters ayaa sii daayay muuqaallo Video ah oo laga soo duubay goobta qaraxa ka dhacay iyadoo la arkayay dad badan oo dhaawacyo qaba oo ay daabulayeen Gaadiidka gurmadka deg degta ah ee Ambulance-ta loo yaqaan.