Ogeysiis Ogeysiis:Shir muhiim ah oo ka dhacaya magaalada Copenhagen
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Somaalida degan dalka Denmark inuu jiro Shirweyne Muhiim ah oo muddo la sugayey, Shirkaas oo ka dhici doona Magaalada Copenhagen Maalinta jimcaha ah ee ay Taariikhdu tahay:- 11/06/2010 shirka waxaa lagu casumay wasiirka Gaadiidka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Pro: Maxamed Cabdi Gaandi.
Shirkan wuxuu ka dhacayaa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, waxaana lagu soo bandhigi doonaa qorshaha Jubaland iyada oo halkaas lagu soo bandhigi doono warbixinadii ugu danbeeyey ee Jubaland iyo doorka jaaliyadaha.
Sidaa awgeed waxaa Dhammaanba Jaaliyadaha Jubbaland si xushmad leh looga codsanayaa inay ka soo qayb galaan Shirkaas.
waxaa Qof walba laga codsanayaa inuu gaadhsiiyo cidda uu yaqaan si aanay fursaddaas qaaliga ahi u dhaafin, Shirka waxaa lagu qaban doonaa.
Maalinta jimcaha ah 11/06/2010
Kulturhuset indre by
address. Charlotte Ammundesens Plads 3
Copenhagen Danmark
Maxamed Bashiir Yusuf