Home

Education

Sports

Health

Contact Us

 

Articles    |   So dir War

Main Menu

 

Wararkii ugu dambeeyay / Latest News

16-06-2010;

Prof:Maxamed Cabdi Gaandi oo ka hadley xalka Soomaaliya Booqdeyna Copehagen Denmark (Daawo Sawiro)

Waxaa galabnimadii Jimcaha taariikhda ahayd 11/06/2010 caasimada Denmark ee cobenhegan kadhacay shir si heer sare loosoo agaasimay kaasoo looga hadlayay xaaladda guud ee somaaliya, gaar ahaan xaaladda Goballada Jubooyinka.

Shirka waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Culumaudiin, Waxgarad iyo dhamaan qaybaha Bulshada.

waxaana marti sharafka shirka ahaa Prof Maxamed Cabdi Gaandi, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka iyo gudi lasocday oo aay kamid ahaayeen Xildhibaan ugaas cabdi-wahaab ugaas, oo katirsan DKM Soomaliya iyo wufuud ka kala yimid wadamada yurub qaar kamid ah iyo mas'uuliyiin kasocotay Golaha Qurbajoogta Jubooyinka.

shirka ayaa jawigiisa isbadelay markuu soo galay Pro: Gaandi iyo wafdigu hogaminayay asagoo sacab iyo mashxarad lagu soo dhoweeyay, Dadweynuhu waxay ruxayeen calanka soomaaliya iyo calemo qoyan.

Shirka ayaa aad loogu gorfeeyay xaalada Jubooyinka siyaasad ahan iyo amni ahaanba iyo horomarkaba,Ugu horayntii wuxuu shir gudoonka kusoo dhoweeyay madasha Xildhibaan Ugaas Cabdi Wahaab, asagoo aad ugu dheraaday xaalada Soomaaliya halkay marayso guud ahaan gaar ahaanna Jubooyinka.

Kadib waxaa lagu wareejiyay hadalka Prof. Gaandi oo aay dad waynuhu aad usugayeen. Prof Gaandi oo ah aqoonyahan siyaasi rugcadaa ah, ahna Wasiir katirsan DKM iyo waliba mas'uulka uqaabilsan howlaha Jubooyinka DKM ayaa markuu hadlaba dadwaynuhu ay sacbinayeen asagoo kahadlay xaaladda Soomaliya dhan walba.

xalka ugu wanaagsan Soomaaliyana kutilmaamay in deegaan hab dhismeedka soomaaliya lagu saleeyo, iyadoo cadaalad iyo sinaan iyo in cidna cid kale inay dulmiso aan la ogolaanayn.

Prof. Gaandi ayaa ka hadlay ciidamada iyo maamulka iyo barnaaijka siyaasada ee DKM ee Soomaaliya ee ku aadan Gobalada Jubooyinka asagoo dad waynihii aad uqanciyay kadibna wixii su'aala ahaa uga jawaabay si hufan.

Dad waynihii meesha isugu yimidna waxay balan qaadeen inay Prof Gaandi hiil iyo hooba ay lagarab taaganyihiin barnaijka uu mas'uulka kayahay. Waxaa kaloo shirka kahaday mas'ul katirsan Golaha Qurbajoogta Jubooyinka Mudane Xasan Cabdi asagoo kudheeraaday waxqabadka Golaha Qurbajoogta dhanwalbo iyo teegeerada uhayaan shacabka kudhaqan Jubooyinka.

Waxaa kaloo shirka kahadlay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Dr Gacal iyo Mudane Ducale iyo Mudane CabdiCasiis oo iyagana kahadlay taageerada ay u ahayaan dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa kudhamaaday farxad iyo damaashaad iyo casho sharaf loo sameeyay Prof Gaandi iyo wafdigiisa. Golaha Qurbajoogta Jubooyinka ayaa Prof Gaandi iyo wafigiisaba ku casuuntay Qaaradda yurub.

Wuxuuna Prof. Gaandi u gudbay isaga iyo wafdigiisa wadanka UK, halkaasoo ooga qaybgalayo shir waynaha Golaha Qurbajoogta Jubooyinka ee UK.

Saxaafada

W/D Cabdi Waheliye

Kismaayotimes.com
 

Maqaal / Opinion

Sayid Maxamed Cabdille Xasan xageebuu ku aasanyahay? Dhageyso(VOA) . 0 Dhalinta Waayaha Cusub oo soo saaray heeso cusub >> -Akhriso/Daawo Video.+Sawir .
0 CNN - Inside Africa - Somalis in Minnesota Akhriso/Daawo

 

osCommerce templates

 

Copyright 2009 KismaayoTimes.com All Rights Reserved