Sheekh Xasan Daahir Aweys oo afka kala furtay kana hadlay arrimo badan.
Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xassan Daahir Uweys oo shir jaraa`id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin faragalinta shisheeye, maleeshiyaad kaga biiray kooxda Al-Shabaab iyo taleefishinka Universal .
Sheekha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay wax yaabaha ay ku dhaqaaqeyn Xarakada Al shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay tani inay wax weyn u dhimi karto xiriirka ka dhaxeeya Xarakada Al shabaab iyo ururkiisa.
“Waxaa ayaan daro ah, in ciidamaddii Xisbul Islaam ee joogay magaaladda Baladweyne ay u yeertaan walaalaheyna Al Shabaab, anagoo la-dagaalameyno cadow kusoo duulay dalkeynii” ayuu ku calaacalay wadaadka mayalka adag ee Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku booteeyay inaysan arintani u dul qaadan doonin, isagoo si hoose uga dhawaajiyay tani inay keeni karto colaad dhex marta ururka uu hogaamiyo iyo Xarakada Al shabaab.
sidow kale wuxuu uga digay dalalka dariska sida dowladda Itobia iyo kuwa gadaal ka taagan in ay kala baxaan faraha arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn ayaa waxaa uu ka hadlay Sheekhu aflagaadadii taleefishinka Universal loogu geystay Nabi Muxammad (NNKH), taasoo ay towbad-keen ka sameeyeen dhawaan maamulka sare ee TV-ga Universal.
"Ninkii Nabiga ku xadgudbaa, waxba Islaamku uma reeban. Ula kac ayayna u sameeyeen, mana ka aqbaleyno towbad", ayuu ku yiri
Si kastaba, shir jaraa`idka hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa kusoo aadaya xilli Xisbul islaam lagala wareegay inta badan konfurta somaaliya waxaa kamid ah gobolada Jubooyinka, Bakool, Gedo, Shabeelada dhexe, inta badan magalaada Muqdisho iyo gobolka Hiiraan oo ay raqdiisu muuqato.
W/D Cabdi Waheliye