Wadajir Wax Dhaama La Waa, Wadajir baa gacmuhu wax ku gooyaan
Waxaa mahad iska leh Alle weyn ee bilaabay aas aaska dhulka iyo cirka ka dibna ku dhex beeray khalqigiisa, kana yeelay ilma Aadam kuwa karaameysan.
Intaa ka bacdi, waxaa wax badan laga hadlay dhibaatada iskhilaafka iyo tafraruqu u leeyahay dadka, waxaana aan is dhihi karaa Soomaali maanta wax uga aqoon badan khilaaf ma jiro.
Haddii baaritaan cilmi ah lagu sameeyo khilaafyada iyo mushkiladaha ka taagan dalkeena labaatan sano iyo dheeraad, waxaa soo bixi lahayd sida qof kasta oo Soomaaliyeed, mid yar iyo mid weyn khabiir ugu noqday khilaafka iyo halka uu ku dambeeyo.
Waxaan sidaas darteed go’aansaday inaan wax yar idinkaga tilmaamo qiimaha wadajirku leeyahay.
Alle (SWT) isagoo og xikmada iyo micnaha ku jira is khilaafka iyo kala tegida ayuu noga digay khilaaf, wuxuuna Alle wax badan Quraankiisa ku celceliyey in laga dheeraado khilaafko.
“Ku xirnaada xariga Alle hana kala tegina”, ayuu Alle ku leeyahay Quraankiisa.
Sidaas si la mid ayaa Suubanheeda Muxammad (NNKH) waxaa uu ummadiisa kala dardaarmay inay iskhilaafaan isagoo xitaa markii uu dhimanayey ku yiri asxaabtiisa “Ku qabsada kitaabka iyo sunnada gows dambeedka”.
Diinta Islaamka oo Soomaalidu sheegato inay ku dhaqato waxay si adag u diiday khilaafka iyo kala taga xitaa wax yarba ha ahaadee, waxayna diintu dardaaran adag ka jeedisay in had iyo goor midnimada iyo wadajirku ahaado wax koowaad ee bulshada lagu dhiso.
Hase yeeshee waxaa nasiib darro ah in dadku aysan sidaas u fulin dardaaran diinteena nagu siisay wadajirka, waxayna taasi na dhaxalsiisay heer maanta aysan jirin labo ruux oo meel isku sheegta.
Soomaalida maadaama ay tahay dad dhaqan ahaan suugaanta qeyb qeyb ay noloshooda kuleedahay ayaa waxyaabaha hal abuurku ka hadlay waxaa ka mid ah wadajirka iyo qiimihiisa, waxaana halkan ku soo qaadaneynaa qaar ka mid ah oraahyada caanka ah;
Wadajir wax dhaama la waa,
Wadajir baa gacmuhu wax ku gooyaan
Midnimo ayaa horumar leh
Fal kaliya fool ma dhaqdo
Haddaba waxaan qoraalkegan ku soo xirayaa dardaaran guud oo aan Soomaalida u dirayo una dardaarmayo wadajir iyo midnimo horumar noo horseeda.
W/Q:Cabdi Waheliye